Posts

Geediga la-dagalanka argagixisada ee somaliya

Image
  Geediga la-dagalanka argagixisada ee somaliya Somali flag  Hordhac . Qormadan waxa ay qiimeynesa soo bixii argagixisadii iyo sameyntii ay Somaliya ku yeesheen siyaasadda ahaan iyo amni ahaan-ba, sidokale waxa ay qormadani dul istaagi doonta sameyntii ay Ethiopia iyo erteria ay ku lahayeen Somaliya iyadoo aad loogu tunsana in erteria ay xirir kala dhexeyay ururkii maxkamadaha islamiga ee fadhigoodu ahaa mugdisho, Somaliya sanadkii 2001-5 waxa aad looga cabsi qabay Somaliya iney isu badasho Xarun ama gabaad ay argagixisada calamiga ah ay ku dhumaleystaan kadib markii mareykanka uu Afghanistan uu ku duulay 2001 uuna meesha kasaray oo jabiyay ururkii Taliban ee looga shakiga qabay inuu al Qaeda uu xirir la lahaa kuna badalay dawaladii Hamid Karzia uu madaxweynaha ka ahaa. Sameyntii ururadii islamiga ee Somaliya kadib burburkii. Burburkii Somaliya 1991 waxa ay Somaliya isu badashay meel aan dawladi kajirin oo ah "stateless nation" taaso xududaheeda dhuleed badeed ay noqdeen kuwo...

Safiirkii Nabadda abdiqadir yahye

Image
  Xasuus safiirkii nabadda Abdiqadir Yahye Ali Abdiqadir Yahye Ali Hordhac Burburkii Somaliya iyo DAGALADII sokeeye ee ka dhacay Somaliya waxa ay dadkii somaliyeed ukala qeyb sameen labo kooxod 1) koox DAGALADII sokeeye ee halaga ahaa kamid noqota oo ka qayb qadatay dagalkii iyo burburkii Somaliya iyo 2) koox alle subaxanahu watacaala uu ka badbadiyay dhigii sokeeye ee dadkii somaliyeed ee muslimka ahaa ee qubanayay, Abdiqadir yahye Ali waxa uu kamid ka ahaa dadkii fara ku-tiriska ahaa ee alle ka badbadiyay DAGALADII sokeeye waxa uuna taas badalkeeda u tafaxaytay inuu nabadda Somaliya uu raadiyo ilaa markii ugu danbeysay lagu dilay. Waa kuma Abdiqadir yahye ali. Abdiqadir yahye Ali waxa uu ku dhashtay magalada mugdisho gar'ahaan Martin Hospital  sanadkii 1975, Abdiqadir waxa dhalay abbe Shaqadiisu ay ahayd macalinimo, abdiqadir waxabarshadisii waxa uu ka bilabay (Fort Sheikh elementary school) kasoo ku yaalay dhanka koonfur galbeed ee dhismihii Barlamaanka ee degamada Holwadaa...

Milicsi tariikhdii Mufakarkii weynaa Hassan sheikh muumin

Image
  Maha'dhoyinkii Mufakarkii, philosopher-kii iyo abwaan Hassan sheikh muumin Abwaan Hassan sheikh muumin  Hordhac . Xasuustii iyo mahadhoyinkii mar-laragii soo maray somalida badh-tamihii qarnigii 20th iyo horaantii qarnigan 21th, Hasan sheikh muumin waxa lagu tilmaami karaa inuu ahaa Figta sare ee laanta geedka kaga taal marka loo barbar dhigo abwaanada kale ee wax-tiriya, Intaynan hore ugu galin murtidii iyo sugaantisii bal hal kudhigyadan yar yar ee Hasan sheikh muumin curiyay aan eegno si aan kugu sii qisho qofka aan ka hadlaayo qofka uu yahay !! " DUNIDU MASKAX BAY MAGAN UTAHAY" "CAQLIGII WANAAGSANI ITAAL INUU KAROON YAHAY BAL EEGOO UFIIRSADDA" "DAB HADUU DHAXAMOODO MAXA LAGU DIIRIYA"   Abwaan, mufeker, curiye riwayadeed iyo naqdiye dhaqan ayaa la'oran karaa inuu isku darsaday Hassan sheikh muumin taaso u suuro galisay ayaa la'orankara inuu ka duwanaado amaba uuna ka magac dheerado abawanada kale ee somaliyeed ee wax curiya ama alifa. Kali...

Halyeeyad Qaran Dr Hawo Abdi Dhiblawe

Image
Soyaalkii iyo Xasuustii Halgamaa Dr. Hawo abdi Dhiblawe Dr. Hawo abdi Dhiblawe  Halyeeyadii Qaranka Dr. Hawo Abdi Dhiblawe waxa ay ahayd halyeeyd qaran taaso dadkeeda iyo dalkeeda ugu adeegtay heerkii ugu sareyay ee qof muwadin ah uu awoodu inuu ugu adeego wadankiisa, xiligii ugu adkaa ee somaliya gar'ahaan dagaladii sokeeye iyo halagii ka dhacay somaliya aad ayay u adkeed in lagu noolado wadanka dad badan oo somaliyeed-na waa ay ka yaaceen wadanka gar'ahaan dadkii waxbartay noocey doonanba haysugu jireene, lakin wax jirey qof diiday inuu wadankiisa ka qaxo amaba ka cararo oo uu ucararo wadan shisheeye taas badalkiisna uu wax laqabo dadkiisa dhibateysan uuna qayb ka qaato sama-bixinta iyo badbadinta dadka nugul gar'ahaan dadka ubaahan cafimaad iyo daawo qofkaasina waa Dr. Hawo Abdi Dhiblawe alle-haunaxristo.  Horaantii noloshii iyo waxbarashadii Dr. Hawo Abdi Dhiblawe. Dr. hawo abdi Dhiblawe waxa ay ku dhalatay magalada mugdisho waxayna ku soo barbartay koonfurta somaliya, ...